![Naflaha](https://source.boomplaymusic.com/group10/M00/07/08/7066ce21a7f3499f9bb8d6172cb97470_464_464.jpg)
Naflaha Lyrics
- Genre:Light
- Year of Release:2022
Lyrics
Nimcada Rabbi igu Sadaay
Nudaha Beerkiyo Xiskaay
Raggiyo idilkood Naflaha
Nasiib Aan Dheerahaay
Adaa Naxariis Kalgacal
Nabdiga Ku Casuumayoo
Adaa Neecow Udgoon
Negaanshaha iigu Filan
Kooris
Ifraax Noloshaydiyeey
Niyada Niyadii Dhistaay
Inaan Awgaa Nastoo
Dartaa Galay Nolol Macaan
Naf Baan Ahay Kuu Ogsoon
Baydka labbaad
Naq iyo Roob ii Curtaay
Nal iyo Nuur ii Baxaay
Nidaamiya Toosiyaay
Naruuro i Deeqdayeey
Adaa Naxli iyo Aqoon
Nacayb Hanka Dhaawacoo
Adaa Nasri iyo Jacayl
Nusqaan Tiran iga Kasbaday